Dowladda Soomaaliya oo sheegtay in ay wado dadaaladii ugu dambeeyey ee Dhismaha Dekadda Hobyo.

0

Wasiirka howlaha guud iyo dib udhiska ee  dawladda  Soomaaliya Cabdi Aadan Hoosow ayaa waxa uu sheegay in dawladda Soomaaliya ay ki jirto u diyaar garowgii ugu dambeeyay sidii ay u bilaaban lahaayeen mashruuca  dhismaha dekedda Hobyo .

Xasan Aadan Hoosow wasiirika wasaaradda hawlaha guud iyo dib u dhiska ayaa isaga oo warbaahinta uga warbixinaya mashruucaasi lagu dhisayo dekadda Hobyo, ayaa sidoo kale waxa uu  sheegay in dhawaan ay tagi doonaan deegaannada Galmudug si ay uga wada arrinsan lahaayeen, qaabkii loo fulin lahaa dhismaha dekadda .

Ma jirto weli waqti cayiman oo uu wasiir Xasan Aadan Hoosow uu u sheegay warbaahinta, oo la bilaabi doono mashruuca dhismaha dekadda Hobyo.