DHAGEYSO:-Roob dabeylo wata oo ku dhuftay Xeebaha Degaannada Puntland

0

Roob wata dabeylo xoog badan ayaa ku dhuftay qeybo katirsan deegaannada iyo degmooyinka dhaca xeebaha Puntland.

Badda ayaa ku  fatahday goobaha qaarkood, waxaana wararku sheegayaan in halka loo yaqaano Raasiga ay baddu biyo badan banaanka u saartay oo ay qaadatay qaar kamid ah qalabkii Kalluumeysata deegaanadaas ay la haayeen.

Mid kamid ah waxgaradka magaalada Baargaal ayaa sheegay in ay jiraan roob xoog leh oo saameyn ku yeeshay deegaanada oo dhan, isla markaasna ay wali roobabku si xoog leh u da’ayaan.

Ma uusan sheegin khasaare la tiro koobay, balse wuxuu sheegay in jidadkii horey u go’naa ay markale dhibaato culus soo wajahday ayna muuqato khatar weyn haddii ay roobabkan maanta sii socdaan.

Sida muuqata roobabka ayaa soo gaaray xeebaha Puntland, gaar ahaan gobalada Bari & Gardafuu, iyadoo ay magaalada Boosaaso maalintii 2aad ka da’ayaan roob.