Xisbiga Himilo Qaran oo Shaqadii Ka Joojiyay Xidhibaan C/xakiin

0

Xisbiga Himilo Qaran ayaa shaqadii ka joojiyay Xildhibaan C/xakiim Macalin  oo ahaa Xoghayaha Xisbiga iyo Xildhibaan ka Tirsan Baarlamaanka Federaalka Soomaaliya.

Qoraal uu soo saaray Xisbiga ayaa lagu sheegay in C/xakiin iyo Hogaanka Xisbiga ay isku khilaafeen arinta Galmudug,kadib markii jimcihii halkaas la geeyay ciidamo Ethopiyaan ah,halka xildhibaanka uu beeniyay arintaas.

Dhanka kale Xildhibaan C/xakiim Macalin ayaa ka hadlay go’aanka xisbiga Himilo Qaran ee shaqada looga eryay isaga.

Waxa uu sheegay in uu soo dhaweynayo go’aanka xisbiga ee looga qaaday xubinnimada xisbiga.

“Waxaan soo dhaweynayaa aqblaadda uu Xisbiga Himilo Qaran ee aan ka tirsanaa ku oggolaaday inaan isaga tago xubinnimada xisbiga, maadaama aan isku ku aragti ka noqon waynay arrima masiiri ah oo aan xallin weynay.

Xubnaha Xisbiga qaarkood waxaan aad ugu kala aragti duwanaanay isku day ay wadaan siyaasiyiinta qaarkood oo ah in colaado laga huriyo deegaanka aan anigu matalo ee Dhuusamareeb, iyo guud ahaan Galmudug, si fowdadaas looga dhex raadiyo dana siyaasadeed oo aan u arkayay in aysan deegaanka dani ugu jirin.

Xukuumadda federaalka ah ee Soomaaliya waxaan isku aragti ka noqonay arrimaha ku saabsan dhismaha Dowlad Goboleedka Galmudug oo ka shaqeynteedu ay tahay waxyaabaha ugu muhiimsan ee aan ku matalo dadka iyo deegaanka Galmudug taas ayaana keentay in xubnaha qaar ay u cuntamiwaysay

Majiro ciidan itoobiyaan ah oo aan kan AMISOM ahayn oo dhuusamareeb jooga, laakiin waxaan rabaa in aan caddeeyo Marnaba in aanan raalli ka noqonaynin, in Ciidan Itoobiyaan ah iyo mid kale toona ay farageliyaan nidaamka doorashada ee Galmudug, sidoo kalana lama aqbali karo in buunbuunis iyo been abuur lagu dhaawaco hannaanka dib u heshiisiin iyo doorasho ee galmudug

Qofka awoodi waayay in uu ka tarjumo baahida deegaanada kala duwan ee dalka ma filaayo in uu awoodi karo hugaaminta guud ee dalka iyo dadka soomaaliyeed.