Uhuru Kenyatta oo soo jeediyay in la baabi’iyo sohdimaha uu sameeyay Gumeysiga

0

Madaxweynaha Dalka Kenya ayaa ku baaqay in dadka Afrika aysan u ku kala qeybsamin sohdimaha uu sameeyay Gumeysiga, wadajirkoodana u maraan diblomaasiyadda dhaqanka.

Hadalkan ayuu Madaxweynaha Kenya ka sheegay kulan uu Madaxtooyada Kenya kula qaatay Wabarka Beelaha Dagoodiye ee dega Kenya, Itoobiya, Soomaaliya iyo Jabuuti.

Mr Uhuru ayaa sheegay in Kenya aysan halis u arkin deriskeeda beddelkeedana u aragto bahwadaag sida uu hadalka u dhigay.

Waxaa uu Wabar Cabdulle  Wabar Cabdi uga mahadceliyay dadaalka iyo farriinta nabadeed ee uu ka dhexwado dadka ku nool Geeska Afrika.

Kulanka ka dhacay Madaxtooyada Kenya waxaa ka qeybgalay wafdi ballaaran oo uu hoggaaminayay Wabarka, Mas’uuliyiinta Beesha Dagoodiye ee ku jira dowladda Kenya iyo danjiraha Itoobiya ee Kenya.

Wabarka ayaa saldhiggiisu waxaa uu yahay Dalka Itoobiya,waxaana markii ugu horreysay uu socdaal ku tagay Dalka Kenya isaga oo farriin nabadeed ugu baaqayay Soomaalida iyo dadyowga kale ee dega Kenya iyo Itoobiya.