SAWIRRO:-Wasiirka Cadaalada Oo Ka Warbixiyey Shirkii Talyaaniga

0

Wasiirka Wasaaradda Cadaaladda Xukuumadda Federaalka Soomaaliya Xasan Xuseen Xaaji ayaa ka warbixiyay shir caalami ah oo uu kaga qeyb galay magaalada Rooma ee dalka Talyaaniga.

Shirka oo ay ka soo qeyb galeen Wasiirada Cadaaladda iyo Garsoorka dalalka caalamka ayaa waxaa diirada lagu saaray Arrimaha Cadaaladda iyo Garsoorka gaar ahaan ka hortaga faldanbiyeedka ka abuurma naceybka kaas oo keeni karo xasuuq iyo dilalka wadarta ah.

Wasiirka Wasaaradda Caddaaladda Soomaaliya Xasan Xuseen Xaaji ayaa shirka ka jeediyay khudbad taabaneysa horumarka Soomaaliya iyo dib u soo kabashada sida dhinacyada Amniga, Cadaaladda, Garsoorka, arrimaha bulshada iyo dhaqaalaha.

Wuxuuna u sheegay dhiggiisa Wasiirada Cadaaladda ee ka soo qeyb galay shirka iney xoogga saari doonaan ilaalinta xuquuqda adaanaha iyo ka hortaga fal dambiyeedyada culus.

Ugu dambeyntii, Wasiirka Cadaaladda iyo Garsoorka Xukuumadda Soomaaliya ayaa ku booriyay dalalka qeybta ka ahaa shirka iney shuruucdooda maxaliga ah oo ku dhisan dastuurka iyo heshiisyada caalamiga ay ogolaadaan iney haboon tahay in lagu dhaqmo si loo helo cadaalad waarto.