Musharax Odawaa iyo Kamaal Guutaale oo kulan la qaatay Donald Yamamoto

0

Safiirka Dowlada Mareykanka ee Soomaaliya Amb Donald Yamamoto ayaa maanta magaalada Muqdisho kula kulmay laba ka mid ah musharaxiinta u tartamaysa madaxweynaha Galmudug, oo kala ah Cabdiraxmaan Maxamed Xuseen Odawaa iyo Kamaal  Daahir Xasan Guutaale.

Qoraal ay safaaradda Mareykanka soo dhigtay barteeda twitter-ka ayaa lagu sheegay in danjire Yamamoto iyo xubnaha safaaradda ay Odawaa iyo Kamaal kala hadlaeen baahida loo qabo hanaan doorasho oo cad, loona dhan yahay oo ka dhaca Galmudug.

“Hay’ado dowladeed oo xooggan waxay ka dhigan yihiin awood loola tacaali karo xasaradaha bani’aadannimo, ka guuleysashada argagixisada iyo abuurista Soomaaliya xasilooni, nabad ah, oo baraare leh.” Ayaa lagu yiri Qoraalka safaaradda Mareykanka ka soo baxay.

Musharixiinta Cabdiraxmaab Odawaa iyo Kamaal Guutaale ayaan dhankooda weli wax war ah kasoo saarin kulanka maanta ee ka dhacay xarunta safaaradda Mareykanka ee Muqdisho.

Safiirka Mareykanka ayaa sidoo kale shalay la kulmay xubnaha Madasha Xisbiyada Qaran ee uu hoggaamiyo madaxweyne Shariif Sheekh Axmed waxa uuna kala hadlay arimo ay kamid yihiin qabsoomida doorashada 2020/21 oo u dhacda si hufan.

Dowladda Maraykanka ayaa ka mid dowladaha Soomaaliya ka gacansiiya arimaha Dhaqaalaha,siyaasada iyo amaanka,waxaana Maraykanka Soomaaliya ka jooga Ciidamo tababar siiyo Ciidanka Kumaandoowska Soomaaliya,waxa ayna ka qayb qaataan howlgalada ka dhanka Al shabaab.