Mareykanka oo $5Milyan duldhigay Madaxa Muwaaddin Mareykan ah kuna jira Al-shabab

0

Dowladda Mareykanka ayaa shaacisay lacag abaalgud ah oo ay siineyso ciddii soo sheegta xog horseedi karta in la xiro Jehad Serwan Mostafa oo u dhashay Dalka Mareykanka.

Jehad Serwan Mostafa ayey dowladda Mareykanka sheegtay in uu yahay qofka u dhashay Mareykanka ee ugu sarreeya Al-Qaacidda gaar ahaanna Al-shabaab dhexdeeda.

FBI-da Mareykanka ayaa sheegtay in Jehad Serwan Mostafa uu AL-shabaab ku biiray sanadkii 2006dii lana dagaallamay Ciidamadii Itoobiya ee isla sanadkaas faragelinta ku sameeyay Soomaaliya.

Dowladda Mareykanka ayaa sheegtay in Jehad Serwan Mostafa uu noqday madaxa Ajaanibta Al-shabaab, madaxa qaraxyada Al-shabaab, tababare sare oo ka tirsan AL-shabaab iyo madaxa warbaahinta ee AL-shabaab.

Wasaaradda Arrimaha dibadda, Wasaaradda caddaaladda iyo FBI-da Mareykanka ayaa ka dalbaday dadka hela xogta Jehad Serwan Mostafa in ay la xiriiraan Qunsuliyadda Mareykanka ama Xafiiska FBI-da Mareykanka ee ugu dhow si ay u gudbiyaan xogtiisa.