Cali Khaliif oo dib ugu soo Laabtay Hargeisa, Kadib Safarkii Muqdisho

0

Waxaa magaalada Hargeisa Dib ugu soo laabtay Dr. Cali Khaliif Galaydh  oo Mudooyinkii ugu dambeeyay ku sugnaa magaalada Muqdisho,  Halkaasi oo uu sheegay inuu u tagay Safar u gaar ah.

Dr. Galaydh ayaa intuu Muqdisho ku sugnaa wuxuu kulamo kala duwan la yeeshay Siyaasiyiin iyo Qaybaha kala duwan ee bulshada.

Lama oga inta uu qaadan doono Safarka uu Dr. Cali Khaliif ku yimid Hargeisa, Balse  Somaliland iyo Khaatumo ayaa horay Heshiis  u gaadhay Xiligii Xukuumadii Siilaanyo, Kaasi oo aan Weli dhaqan gelin, Wuxuuna dhowr jeer xusay inuu ka socon waayey dhinaca Muuse Biixi.