Xildhibaan Xidig oo sheegay in aaney waxba iska badalin mowqiifkiisa siyaasadeed ee Jubbaland

0

Xildhibaan Cabdirashiid Maxamed Xidig oo kamid ah siyaasiyiinta Jubbaland mar uu la hadlay warbaahinta ayaa sheegay in uusan waxba iska beddelin mowqifkiisa siyaasadeed ee kaga aaddan madaxtinimada Jubbaland, kaasi oo goor hore uu sheegay inuu yahay madaxweynaha rasmiga ah ee maamulkaasi, kaddib doorasho oo uu ku qabsaday magaalada Kismaayo.

Cabdirashiid Xidig ayaa shaaca ka qaaday in xubno ka tirsan isbeddel doonka haddii ay la heshiiyeen madaxweynaha Jubbaland Axmed Maxamed Islaam (Axmed madoobe) aysan waxba ka beddeleynin mowqifkooda siyaasadeed, islamarkaana uu yahay madaxweynaha rasmiga ah ee Jubbaland.

Arrintaan ayaa timid kaddib markii dhowaan kulan ay wada qaateen madaxweynaha Jubbaland Axmed madoobe iyo siyaasiga Cabdinaasir Seeraar, inkastoo Siyaasiga Cabvdi Naasir Seerar oo beeniyay