SAWIRRO:-Xukuumadda oo dib u howl gelisay Machadka Diblamaasiyadda Qaranka

0

Wasiirka Arrimaha dibadda iyo iskaashiga caalamiga ah ee Xukuumadda Federaalka Soomaaloya Amb. Axmed Ciise Cawad, ayaa maanta dib u furay machadka diblamaasiyadda qaranka oo hoos taga wasaaradda arrimaha dibadda, dib-u-dhis ballaaranna loogu sameeyay in lagu horumariyo diblamaasiyadda dalka.

Munaasabadda dib-u-furidda machadka oo lagu qabtay xarunta machadka ayaa waxaa kasoo qayb galay wakiillo iyo safiirro ak socda waddamada saaxiibka la ah Soomaaliya.

Wasiirka ayaa dowladda Qatar iyo sanduuqa horumarinta Qatar uga mahad celiyay taageeradooda mashaariicda horumarineed ee dalka iyo dib-u-dhiska Machadka qaranka, waxaa kale oo wasiirku u mahad celiyay dowladaha Soomaaliya ka caawinaya tababarka diblamaasiyiinta lagu siinayo machadka.

Machadka diblamaasiyadda wasaaradda arrimaha dibadda oo la aasaasay December 3, 1986 ayaan shaqeyn wixii ka dambeeyay 1991 oo aheyd xilligii ay buburtay dowladdii dhexe ee dalka, waxaana dib u howl gelintiisu ay qayb ka tahay halbeegyada tubta siyaasadda loo dhanyahay iyo horumarinta diblamaasiyadda dalka.