SAWIRRO:-Xildhibaano Ka Tirsan Labada Aqal Oo Gaaray Dhuusamareeb

0

Xildhibaano ka tirsan labada gole ee baarlamaanka federaalka Soomaaliya ayaa maanta gaaray gudaha magaalada Dhuusamareeb ee xarunta gobolka Galgaduud.

Xubanahaan ayaa ka qeyb qaadan doono dhismaha Galmudug oo hadda maraya meel wanaagsan.

Sidoo kale waxa ay dhex dhexaadin doonaan Ahlu Sunna Waljamaaca iyo dowladda federaalka oo weli  isku haya maamul u sameynta Galmudug.

Dhowaan ayaa la filayaa in la qabto doorashada madaxweynaha iyo mida baarlamaanka ee dowlad goboleedka Galmudug.