Save The Children Ka Hadashay Fatahaadaha Soomaaliya

0

Ha’yadda badbaadada caruurta ee Save The Children ayaa warbixin ka soo saartay fataahado ka dhacay dalalka Soomaaliya, Kenya, Muzambique, Malawi iyo South Sudan.

Isbedal lama filaan ah oo ku yimid cimilada ayey ha’yaddu sheegtay in ay saameeyeen in 33 milyan oo ruux oo ku nool 10 dal oo dhaca Qaaradda Africa,dadkaasina ay caruur u badnaayeen.

Ha’yadda ayaa sidoo kale sheegtay in malaayiin caruur ah ay ku jiraan qoysaska ay barakiciyeen fataahadaha ka dhacay dalalkaasi ay Soomaaliya ku jirto ,islamarkaana xilligan caruurtaasi ay u baahan yihiin cuno iyo gargaar bin aadanimo.

Sidoo kale warbixinta ha’yadda Save The Children ayaa lagu xusay in qiyaastii 2,000 kun oo ruux ay ku geeriyoodeen duufaano iyo fataahado ka dhacay dalalka Soomaaliya, Kenya.Muzambique, Malawi iyo South Sudan.

Fataahadaha sanadkan ka dhacay Soomaaliya ayaa waxaa khasaarihii ugu badnaa sababay fataahaad uu wabiga Shabelle ku sameeyay magaalada Beledweyne, halkaas oo qiyaastii ay ku barakaceen malaayiin qoysas oo  deegaan ugu ahaa degmadaasi.