Puntland oo xabsiga dhigtay siyaasi caan ka ah Boosaaso

0

Ciidamada Amniga gobolka Bari, ayaa mar kale xabsiga dhigay siyaasiga Caanka ah ee Muuse Cali Jaamac, kadib markii isaga iyo odayaal kale  ay Jimcihii la soo dhaafay dhaliilo kala duwan u jeediyeen xukuumadda Puntland.

Siyaasi Muuse Cali Jaamac, ayaa ciidamada Amnigu ka qabteen gudaha magaalada Boosaaso ee xarunta gobolka Bari, waxaana ay markiiba u dhaadhiciyeen xabsiga weyn ee Boosaaso

13 October ee sannadkan ayaa sidaan oo kale  Boosaaso loogu xiray Siyaasi Muuse Cali Jaamac, kadib markii isaga iyo odayaal kale dhaliilo u jeediyeen xukuumadda Puntland, balse saddex maalmood kadib 16 October ayaa la sheegay in lagu sii daayay cafis-maxkamadeed.