Jabhadda Korneyl Caarre oo weerar ku qaadday Saldhigga Booliska Ceerigaabo

0

Wararka ka imanaya Magaalada Ceerigaabo ee Gobolka Sanaag ayaa sheegaya in Jabhadda uu hoggaamiyo Korneyl Caarre ay xalay weerar ku ekeeyeen saldhigga Ciidanka Booliska Somaliland ee Magaaladaas.

Weerarka oo dhacay xalay 1:30 daqiiqo ayaa waxaa uu ku billowday qoryaha waaweyn oo laga maqlay saldhigga iyada oo dadka Magaaladana ay ku kaceen weerarka iyo rasaasta la is weydaaranayay.

Ciidanka Somaliland ee ku sugnaa saldhigga ayaa la sheegayaa in ay iska caabin kala hortageen Jabhadda weerarka ku qaadday Saldhigga.

Ilaa hadda ma cadda khasaaraha rasmiga ee weerarkii xalay ka dhashay, sidoo kale Maamulka Somaliland ilaa hadda kama hadlin weerarkaas.

Ciidamada uu hoggaamiyo Korneyl Caarre ayaa waxaa ay dib ugu laabteen saldhig ay ku leeyihiin duleedka Magaalada Ceerigaabo.