DAAWO:-Wasiir Sabarey oo ka hadlay booqashoda Wasiirka Warfaafinta Somaliland ku yimi Degmada Taleex

0

Wasiirka Warfaafinta Puntland oo warbaahinta Daljir  kula hadlayay xafiiskiisa Garoowe ayaa markii ugu horaysay ka hadlay Odayaal dhawaan shir ku qabtay Magaalada Boosaaso kuwaas oo dhaliilay Xukuumadda Madaxweyne Deni ayaa ku eedeeyay iney ka danbeeyaan “Niman uu ugu yeeray Nabad iyo Nolol (DFS) kuwaas oo uu sheegay iney “odaayasha wax siiyaan”.

Wasiir Sabarey wuxuu Sheegay iney Puntland ugu dib dhacsanyihiin Gobolada uu isagu kasoo jeedo (SOOL) welina aan laga maqlin hadalada noocaas ah isagoo intaas raaciyay “War waa nin ganacsada ah dhulna idinkagama baahnaa ee jaa’ifada ka daaya Madaxweynaha”.

Sidoo kale Sabarey ayaa soo hadal qaaday booqasho uu dhawaan degmada Taleex ee Gobolka Sool uu ku yimid wasiirka warfaafinta Somaliland isagoo sheegay in dhulkiisa ay tahay ” waad imman gartaa gurigaaga, laakiin cagta haku badain” sidoo kale waxa uu wax ka jiraan ku tilmaamey ciidamo la sheegay in Puntland ay ka goosteen oo Somaliland ay ku biireen ” Waan arkayay niman la sawirayo, kuwaas ciidamo ma ahayn waa een” ayuu yiri Sabarey.

Ugu danabyn wasiirka ayaa baaq u diray Shacabka Gobolada Sool, Sanaag iyo Ceyn oo uu Xusay ineysan Dowladda dhexe ama beesha caalamku u dhisi karin wax maamul ah.