DAAWO:- Cumar Filish oo magacaabay Gudoomiyeyaal degmo, Kadib markii ay kuwii hore ku dhinteen Qaraxii

0

Wareegto kasoo baxday Xafiiska Guddoomiyaha gobolka Banaadir ahna duqa magaalada Muqdisho Cumar Maxamud Maxamed (Cumar Filish)  ayuu ku magcaabay Gudoomiyayaal degmo oo cusub, Degmooyinka loo magacabay masuuliyiinta cusub ayaa kala ah Shangaani iyo Waaberi, Sidoo kale waxaa la magacaabay gudoomiye ku xigeenka arimaha bulshada Degmada Wadajir.

Aweys Sheekh Maxamed Amiin ayaa loo magacaabay Gudoomiyaha Degmada Shangaani Halka Cabdulcasiis Cismaan Jaamac loo magacaabay Gudoomiyaha Degmada Waberi, sidoo kale Axmed Maxamuud Diiriye ayaa loo magacabay ku xigeenka Arimaha Bulshada Degmada Wadajir.

Gudoomiyeyaashii Hore ee degmooyinkan ayaa ku geeriyooday qaraxii ka dhacay Xarunta Dawladda Hoose ee Xamar.