Ciidanka Amniga Boosaaso Oo Gacanta Ku Dhigay Hub Iyo Gaadiid

0

Ciidamo ka tirsan kuwa Booliska Gobolka Bari ayaa xalay waxaa ay howlgalo ka sameeyeen Magaalada Boosaaso, iyagoona kusoo qabtay hub sharci darro ah oo lagu dhex watay gudaha Magaalada.

Howlgalkan ayaa waxaa uu sigaar ah uga dhacay Xaafado ku yaalla Bartamaha Boosaaso, waxaana intii uu socday lagu soo qabtay hub sharci darro ah iyo dadkii watay, kuwaasi oo lagu xiray xabsi ku yaalla halkaas.

Sidoo kale howlgalka ayaa waxaa barbar socday fiiqista Muraayadaha madow ee ku xiran gaadiidka noocyadiisa kala duwan ee Isticmaalayay Waddooyinka ku yaalla Boosaaso oo horey looga mamnuucay deegaanada Puntland.

Taliyaha Qeybta Booliska Gobalka Bari G/S Xuseen Cali Maxamuud oo warbaahinta la hadlay ayaa waxaa uu sheegay in howlgalka laga saameeyay Boosaaso inta uu socday Ciidanka amniga ay gacanta kusoo dhigeen gaadiid ay Ciidamadan ku raadjoogeen, kuwaasi oo maalmihii la soo dhaafay la raadinayay.

G/S Xuseen Cali Maxamuud ayaa waxaa uu tilmaamay in kormeer ay ku tageen Saldhigyada Ciidamada Booliska ee ku yaalla Boosaaso, wuxuuna laamaha amniga Gobolka Bari uu kula dardaarmay inay xoojiyan howlgalada lagu xaqiijinayo amniga.