DAAWO:-Ciidamo ka goostay Puntland oo ku biiray Soomaaliland

0

Wasiirka Warfaafinta Somaliland, Saleebaan Yuusuf Cali Koore, ayaa degmada Taleex ee gobolka Sool ku soo dhaweeyay, ciidamo uu wasiirku sheegay in ay ka soo goosteen maaamulka Puntland.

Wasiirka ayaa sheegay in ay soo dhaweynayaan ku dhowaad 150 askari oo ka soo goostay ciidamada Puntland ee ku sugan gobolka Sool, gaar ahaanna degaanka God-qaboobe oo ka tirsan Tukaraq.

Sidoo kale wasiirka ayaa  sheegay in ciidankaasi oo sida uu xusay ku hubaysan gaadiidka dagaalka ay ku biireen ciidamada Somaliland ee gobolka Sool, isago ballan-qaaday in ay heli doonaan xuquuqdooda oo dhammaystiran.

Ma jiraan weli wax war ah oo ka soo baxay maamulka Puntland.