AKHRISO:- Soomaaliya iyo Suudaan oo yeelanaya Iskaashi Ganacsi

0

Danjiraha Safaarada Soomaaliya Dalka Sudan Danjire Maxamed Sheekh Isxaaq ayaa waxaa uu Xarunta Safaarada kulan kula qaatay Wasiirka Wasaaradda Warshaddaha iyo Ganacsiga Dalka Sudan. H.E Maddani Cabaas.

Kulanka oo ay ku wehliyeen howl wadeeno ka tirsan Xafiiska Wasiirka ayaa waxaa looga wada hadlay sidii dib loogu nooleeyn lahaa xiriir ganacsi iyo mid iskaashi ee dhex mara labada dal,kaas oo jiray inta uusan Soomaaliya burburka ka dhicin.

Sidoo kale kulanka waxaa laysku soo hadal qaaday inay ganacstada Soomaaliyeed si gaar ah loogala macaamilo arrimahooda ganacsi ay ku leeyihiin dalka sudan,sida uu sheegay Danjire Maxamed Sheekh Isxaaq.

Waxaana dhawaan la rajeynayaa kulan Ganacsi inuu dhex maro labada Wasaaradood, iyo labada Rug Ganacsi iyo ganacsato labada dhan kasoo loogu magac daray.(ISBUUCA GANACSIGA SOOMAALIYA).