AKHRISO:- Guddoomiyaha Gobolka Banaadir oo Magacaabey Guddoomiyeyaal Degmo

0

Guddoomiyaha gobolka Banaadir ahna duqa magaalada Muqdisho mudane Cumar Maxamud Maxamed (Cumar Filish) ayaa Guddoomiyeyaal Cusub u Magacaabay degmooyinka Waaberi iyo Shangaani ee Gobolkan Banaadir.

Wareegto kasoo baxday Xafiiska guddoomiyaha Gobolka ayaa waxaa lagu kala Magacaabey,guddoomiyaha degmada shangaani Aweys Sheekh Maxamed Amiin iyo Guddoomiyaha degmada Waaber Cabdul Casiis Cismaan Jaamac.

Waxaa sidoo kale Guddoomiye ku-xigeenka arimaha bulshada degmada Wadajir loo magacaabay Axmed Maxamud Diiriye.

Guddoomiyeyaashii degmooyinka Waaberi iyo Shangaani ee kala ahaa Sahro Markeezi iyo Mahad Cilmi ayaa waxaa ay ku geeriyoodeen qaraxiii 24-kii Bishii july ee sanadkaan ka dhex dhacay Xarunta Maamulka gobolka Banaadir,hayeeshee Maanta la magacaabey guddoomiyeyaasha bedelaya.