AKHRISO:- Booliska Soomaaliya oo digniin soo saaray

0

Taliska Ciidanka Booliska Soomaaliyeed ayaa sheegay in heegan buuxa la geliyey laamaha kala duwan ee Ciidanka booliska Soomaaliya ee ka howlgalla Magaalada muqdisho,kaddib markii ay booliska sheegeen in roobab xoogan oo waxyeelo geysan kara laga cabsi qabo inay ka da’aan Magaalada muqdisho.

Taliye kuxigeenka Ciidanka Booliska Soomaaliyeed Zakiya Xuseen Axmed ayaa sheegtay in saldhigyada boliiska G/Banadir iyo Laanta Gurmadka Dag Dag ee Dowladda Hoose la geliyay heegan buuxda si ay gargaar u fidiyaan.

“Iyadoo dhawaan la filaayo roobabka Mahiigaanka waxaa dhamman saldhigyada boliiska G/Banadir iyo Laanta Gurmadka Dag Dag ee Dowlada Hoose la geliyay heegan buuxda sidoo kalena la diyaariyay baabuurta gargaarka sida ambulansyada iyo deb demiska ayay yiri” Zakiya Xuseen Axmed.

Sidoo kale waxaa ay ugu baaqday Shaabka ku nool Magaalada Muqdisho in cid allaala ciddii u baahato gurmad deg deg ah ay hay’adaha Amniga kala xiriiraan 991 si logu gurmado.

Si kastaba roob muddo laba Cisho ah ka da’ayay Magalada muqdisho ayaa waxaa uu saameyn ku yeeshay isku socodka dadka iyo Gaadiid,isaga oo sidoo kale burburiyey wadooyin muhiim ah oo ku yaalla Muqdisho