Wasiirka Cadaaladda XFS Oo Shir Uga Qeyb Galay Talyaaniga

0

Wasiirka Wasaaradda Cadaaladda Xukuumadda Federaalka Soomaaliya Mudane Xasan Xuseen Xaaji ayaa dalka Talyaaniga ka qeyb ggalay shir caalami ah oo halkaasi ka dhacay.

Shirkan ayaa looga hadlayay Arrimaha Cadaaladda iyo Garsoorka gaar ahaan ka hortaga faldanbiyeedka ka abuurma naceybka, kaas oo keeni karo xasuuq iyo dilalka wadarta ah.

Sidoo kale, shirkan ayaa mudada uu socday diirada lagu saaray fal dambiyeedkaas iyo caqabadaha ka dhalan kara oo loo yaqaano dambiyada culus iyo wixii ciqaabtooda ay noqon karto.