DHAGEYSO:-Xasan Sheekh Maxamuud oo si kulul uga hadlay xaalada galmudug & arimaha doorashada

0

Madaxweynihii hore ee Soomaaliya, Xasan Sheekh Maxamuud ayaa ka hadlay xaaladda guud ee dalka gaar ahaan arimaha doorashada maamulka galmudug oo xiligan maraysa meel xasaasi ah

Ugu horreyn wuxuu soo hadal qaaday arrimaha maamul u sameynta Galmudug iyo dhaq dhaqaaqyada siyaasadeed ee ka socda magaalada Dhuusamareeb.

Xasan Sheekh Maxamuud ayaa kula taliyey dowladda inay si degan ku dhameyso khilaafka ka jira Galmudug, iyada oo fursad la siinayo beelaha dega maamulkaasi.

Sidoo kale wuxuu ka digay inay dhacaan rabshado la mid ah kuwii ka dhacay Koonfur Galbeed Soomaaliya, xilligii doorashada ee maamulkaasi.

Dhinaca kale Xasan Sheekh Maxamuud oo hadalkiisa sii wata ayaa sheegay in aysan caqabad ku aheyn dowladda federaalka, gaar ahaan Madaxweyne Farmaajo.