DHAGEYSO:-Imaaraadka oo Looga Digay Faragalinta Arrimaha Soomaaliya

0

Siyasiyiinta kasoo jeeda degaanada Puntland ayaa waxaa ay eedeemo xoogan ay usoo jeediyeen dowladda imaaraadka carabta oo haatan Ku howlan sidii mashariicyo kala duwan ay ka fuliso degaanaasi.

Saciid waabari Maxamed oo ah siyaasi somaliyeed kana soo jeeda putland ayaa si kulul uga hadlay howlgalkan ka dhan ka ah imaaraadka Isagoona sheegay in looga baahan yahay imaaraadka ay ka dayso faragalinta ay ku hayso somalia gaar ahaan degaanada Puntland.

Siciid Waabari Ayaa Yiri”Hadii faraha kala bixiwaydana arimaha somaliya ay dacwadd ka gudbindoonaan xafiiska qaramada midoobe ay Ku leedahay Soomaaliya.”