Nabaddoon Cali Xasan Faliidh oo Ku Geeriyooday magaalada Buuhoodle

0

Alle ha u naxariistee Waxaa saaka Aroortii hoe [24-11-2019] ku geeriyooday magaalada Buuhoodle,   Cali Xasan Faliidh oo kamid ahaa Odayaasha iyo Waxgaradka deegaanka.

Cali Xasan Faliidh Wuxuu  ahaa nin Nabaddoon ah oo wax badan kasoo qabtay Xalaadihii kala duwanaa ee deegaanku soo maray, waxaana lagu Xasuustaa inuu utaagnaa  midnimada, iyo Wadajirka Bulshada.

Waxgaradka,  Culimada , Cuqaasha, iyo Qaybaha kala duwan ee Bulshada ku dhaqan magaalada Buuhoodle ayaa maanta la tiiraanyoonaya Geerida Xaqa ah ee ku timid Alle ha u naxariistee Cali Xasan Faliidh.

Ugu dambayntii waxaanu Alle SWT uga baryaynaa inuu Janadiisa ku Casuumo, Ehelkana uu samir iyo Iimaan ka siiyo. AAMIIN AAMIIN.

انا لله وانا اليه راجعون