DHAGEYSO:-Sheekh Umal oo si adag ugu jawaabay Sheekh soomoow

0

Sheekh Maxamed Cabdi Umal ayaa ka jawaabay eedeyntii uu ujeediyey afhayeenka Golaha Culimada Soomaaliyeed, Sheekh Cabdulqaadir Sheekh Maxamed (Soomow) oo aheyd inuu sabab u yahay musiibada ka jirto dalka, islamarkaana dartiis ay dad badan ugu jiraan Qabri.

Sheekh Umal oo wareysi gaar ah siiyey BBC-da ayaa dhammaan iska fogeeyey eedeymaha loo jeediyey, wuxuuna sheegay in dadka kaliya ee la dagaalamay kooxda Al-Shabaab ay ahaayeen iyagu bilowgii, illaa dhammaadkii, sida uu hadalka u dhigay.

Sidoo kale wuxuu tilmaamay inuusan ogeyn wax dood ah oo ka taagan muxaadarada uu iclaamiyey ee Jimcaha ka dhaceysa garoonka Injineer Yariisow ee magaalada Muqdisho.

“Anigu ma ogi wax dood ah oo ka jirta muxaadarada, in la iclaamiyay oo aan ku talagashanahay unbaan ogahay.

Wadaadku waxaan u maleynayaa inuusan warba heynin, ma hurdo ayuu kasoo kacay?, afkaarta uu ka hadlayo haddey tahay middan qolada xagjirka ah ay qabaan, dadka kaliya ee la dagaallamay annagaa ahayn, billowgii ilaa dhammaadkii, oo halis badan u galay, naftooda khatar loo galiyay, culimadeenni baa lagu laayay sida la ogsoon yahay, marka wuxuu ka hadlayo ma garanin, malaha wadaadku wuxuusan la soconin waxa jira, hadduu nin aqoon diimeed leh yahay, adduunka hadda jirana uu la socdo, waxaan u maleynayaa sidaas inuusan u hadleen”. ayuu yiri, Sheekh Umal.

Ugu dambeyn waxa uu waxba kama jiraan ku tilmaamay eedeymaha la xariira in hadal uu horay u jeediyey lagu laayey dad badan, gaar ahaan Suufiyada iyo inuu gaaleeyey.

“Aniga ma ogi fatwo tey ah oo suufiyo lagu laayay, wuxuu u baahan yahay inuu keeno meesha aan aniga ku iri suufiyada hallalaayo, ama dariiqooyinka hallalaayo, ama aan ku iri waa gaalo, isaga ayaa looga baahan yahay inuu caddeeyo.” ayuu markale yiri Sheekhu.