DAAWO:-Muqdisho oo Horumar ku socota iyo Cumar Filish oo dadka Dhulka Danta Guud haysta u Hanjabay

0

Magaalada Muqdisho ee Caasimadda Soomaaliya ayaa Mudooyinkii Dambe waxaa laga Dareemayaa Horumar dhinacyo badan Taabanaya, Waxaana Maamulka Gobolku uu siwayn ugu howlan yahay Soo celinta Goobihii danta Guud ee Shacabka Loogu Adeegi Jiray.

Guddoomiyaha gobolka Banaadir ahna Duqa magaalada Muqdisho Cumar FILISH ayaa Xadhiga  ka jaray xarunta daryeelka caruurta degmada Warta Nabada.

Gudoomiye Filish ayaa si adag uga hadlay dadka Weli haysta goobihii danta Guud, Wuxuuna xusay in Xaruntan sidoo kale laga saaray dadkii haystay, kadibna maamulka Gobolku uu dhismo ku bilaabay.

“Waxaan Rabaa Bulshada Soomaaliyeed inaan Xasuusiyo Xiligii Dawladdii Kacaanka waxaa jiray Goobo dadka loogu tala galay, oo aan lahayn maanta, Meel kasta oo Dan Guud ahayd waxaa ku Habsaday Shaqsiyaad DamiirLaaweyaal ah, Meeshaan dad ayaa laga kiciyey.”  Ayuu yidhi Cumar Filish oo xusay inay Jiraan meelo badan oo Sidan oo kale loogu habsaday oo Qaarna lala hor fadhiyo Qori ama Waraaq been ah, Wuxuuna xusay inaan la Aqbali doonin.

Waxaa sidoo kale Madasha ka hadashay Gudoomiyaha Degmada Warta Nabadda  Saynab Xaabsay oo kamid ahayd dadkii horay ugu dhaawacmay Xarunta Dawladda Hoose, Waxayna xustay muhiimada Xaruntan iyo waxay qaban doonto.