Ciidamada Xooga dalka iyo Maraykanka oo Howlgal Fuliyey iyo Siday wax u dhaceen

0

Warar dheeraad ah ayaa kasoo baxaya Howlgal balladhan oo Saacadihii la soo dhaafay ka dhacay deegaanka Kuunya Barrow oo ka tirsan gobolka Shabeellaha Hoose, kaasi oo lagu khaarijiyay hor jooge sare oo ka tirsanaa maleeshiyaadka Al-shabaab, Sida ay xaqiijiyeen saraakiisha hoggaaminaysay howlgalkaasi.

Bartilmaameedka howlgalkaasi oo ay sida wadajirka ah u fuliyeen ciidanka Xoogga Dalka Soomaaliyeed iyo kuwa Mareykanka ayaa ahaa horjoogayaal iyo maleeshiyaad ka tirsan argagixisada kuwaasi oo ku dhuumaalaysanayay deegaanada howdka ah.

Warqoraal ah oo laga soo saaray howlgalkaasi oo ahaa mid qorsheysnaa ayaa lagu sheegay in aanay jiriin waxyeelo soo gaadhay dadka shacabka ah mudadii uu socday balse khasaare lagu gaarsiiyay argagixisada Alshabaab.

“Waxaa lagu khaarijiyay howlgalkaasi horjooge ka tirsanaa kooxda Al-shabaab,tani ayaa hoos u dhigaysa awoodii argagixisada,iyo weeraradii ay ka soo maleegayeen deegaanka Kuunya Barrow iyo nawaaxigiisa,waxaana xaqiijinaynaa in aanay jirin waxyeelo soo gaartay dadka rayidka ah”. Sidaasina waxaa sheegay saraakiisha ciidamada howlgalkaasi hoggaaminaysay.

Ciidanka Xoogga Dalka Soomaaliyeed oo kaashanaya saaxiibada caalamiga iyo kuwa AMISOM ayaa sare u qaaday howlgalada dalka looga sifeynayo hadhaadiga cadawga ummadda ee alshabaab,taasi oo keentay in ay ka cararaan deegaanno badan.