SAWIRRO:-Shirweynihii 4aad ee dallada Qurbajoogta Puntland oo ka furmay Denmark

0

Magaalada Aarhus ee Dalka Denmark waxa si Habsimi leh uga Furmay Shirweynihii Afaraad Dallada qurbajoogta Puntland ee Yurub(PEDAN) oo ay ku mideysan yihiin Ururadda iyo Jaaliyadaha Qurbo-joogta Puntland ee Yurub.
Shirka ayaa sanadkan waxa soo qaban qaabiyay puntland Diaspora Forum Denmark(PDFD).

Martisharafta shirka kasoo qayb gashay waxa ka mid ah shirkana Furay duqa magaalada Aarhus Denmar Jacob Bundsgaard,ergo ka kala socota 10 wada oo ku yaal qaarada Yurub iyo wakiilada dawalada Puntland ee qaarada Yurub,xildhibaan ka tirsan golaha deegaanka magaalada Aarhus,wasiir ku xigieenkii hore warfaafinta Puntand.

Martisharafta kale ee shirka kasoo qayb gashay ayaa waxa ka mid ahaa Jaaliyaddaha Puntland ee ka kala yimi wadamada Ireland, Finland, Sweden, Norway, Denmark, Holland, Austeria, Uk,France,Germany.

Furitaankii shirka waxa ka hadlay Duqa magaalada Aarhus Jacob Bundsgaard,Gudoomiyaha Jaaliyada Puntland ee Denmar mudane Cabdisalaan Askar,Gudoomiyaha Dalada Qurbajoogta Puntland ee Yurub mudane Xuseen Daahir Derbi,Wasiirkii hore ee warfaafinta Puntland mudane Cabdirisaaq Shiikh Aduun,wasiir ku xigeenki hore wasaarada Warfaafinta Puntland, Wakiilka Puntland u fadhiya Finland mudane Cabdifataax Janagale kuwasoo dhamaan soo dhoweeyay martisharafta , waxayna Hambalyo u direen dalladda Pedan oo Afar sano jirsatay.