SAWIRRO:-Shirka ka wada tashiga hindise sharciyadeedka shirkadaha Dalka oo lagu soo gabagabeeyay Garoowe

0

Shirka ka tashiga hindise sharciyadeedka shirkadaha dalka oo u dhaxeeya Guddiga maaliyadda iyo dhaqaalaha Golaha Aqalka sare iyo maamul Goboleedyada Soomaaliya ayaa xalay lagu soo gaba-gabeeyay Magaalada Garoowe.

Shirka ayaa waxaa ka qeyb galay Guddiga maaliyadda iyo dhaqaalaha Golaha Aqalka sare Wasaaradda ganacsiga iyo Wershadaha Soomaaliya, Wasiiradda iyo qaar ka mid ah Xil-dhibaannada maamul Goboleedyada.

Ujeeddada kulanka ayaa ahaa dhageysiga talooyinka maamul GoboleedyadaxXubnaha ka ah Dowladda Federaalka Soomaliya ee ku aaddan hidise sharciyadeedka shirkadaha, kaas oo horyaalla Golaha Aqalka sare ee Dalka.

Gabagabada Shirka Wada-tashiga ee u dhaxeeyay maamul Goboleedyada Dalka, Wasaaradda Ganacsiga iyo Warshadaha Soomaaliya, Guddiga maaliyadda iyo dhaqaalaha Golaha Aqalka sare ayaa kusoo dhamaaday jawi wanaagsan.