SAWIRRO:- Ra’iisul Wasaare Khayre Oo Dalka Kusoo Laabtay Kadib Safarkiisii Shaqo Ee Faransiiska, Belgium Iyo Qatar

0

Ra’iisul Wasaaraha xukuumadda federaalka Soomaaliya mudane Xasan Cali Khayre oo caawa dib ugu soo laabtay dalka kadib safarradii shaqo ee wadamada Faransiiska, Belgium iyo Qatar, ayaa waxaa garoonka diyaaradaha Caalamiga ah ee Aadan Cabdulle kusoo dhaweeyay wasiirro, xildhibaanno iyo mas’uuliyiin kale.

Mudane Xasan Cali Khayre ayaa safarkiisa oo guul kusoo dhamaaday waxuu ka billaawday Faransiiska, waxaana magaalada Paris kusoo dhaweeyay madaxweynaha Faransiiska.

Ra’iisul Wasaaraha oo ka qayb galay kulanka sanadlaha ah ee madasha nabadda Paris, ayaa dhanka kale booqday safaaradda Soomaaliyeed ee Paris, waxuuna ballan qaaday in dowladdu dayactir iyo horumarin ku sameyneyso dhismaha safaaradda iyo hoyga safiirka.

Mudane Xasan Cali Khayre ayaa intii uu Paris u joogay ka qayb galka kulanka madasha, waxuu kulamo doceedyo la qaatay, wasiirrada arrimaha dibadda Faransiiska, The Netherlands, Ruushka iyo Filand, iyo xoghayaha arrimaha dibadda Sweden.

Dhammaan mas’uuliyiinta uu kulamada la qaatay ayuu Ra’iisul Wasaaruhu kala hadlay xoojinta xariirka dalalkooda kala dhexeeya Soomaaliya, arrimaha deyn cafinta iyo horumarka laga gaaray dib-u-habeynta dowladdu ay dalka ka waddo.

Ra’iisul Wasaaraha ayaa sidoo kale Paris kula kulmay madaxweynaha bangiga horumarinta Islaamka, Dr. Bandar Hajjar iyo xoghayaha guud ee wariyaasha aan xuduudda laheyn..

Mudane Xasan Cali Khayre ayaa Faransiiska uga sii safray Belgium waxuuna magaalada Brussels kulamo kula qaatay guddoomiyaha guddiga midawga Yurub ee Iskaashiga iyo Horumarinta Caalamiga ah iyo madaxweyne ku-xigeenka midawga Yurub oo ay ka wada hadleen xariirka xooggan ee ka dhexeeya midawga Yurub iyo Soomaaliya, nabadda, amniga, horumarinta dhaqaalaha iyo taageerada xoojinta dimuquraadiyadda.

Mudane Xasan Cali Khayre oo safarkiisa oo qaatay 10 maalin kusoo gebagebeeyay Qatar, ayaa amiirka Qatar, Amiir Tamim bin Hamad Al Than, Dooxa kula qaatay kulan looga hadlay xoojinta xiriirka soo jireenka ah iyo iskaashiga laba geesoodka ah ee labada dowladood iyo labada shacab ee walaalaha ah.