Nin ugu hanjabay dil Ilhan Cumar oo maanta la soo taagay maxkamad

0

Muwaadin u dhashay dalka Maraykanka oo ugu hanjabay Ilhan Cumar oo ka mid ah Congresska dalka Maraykanka dil ayaa la soo taagay maxkamad.

Patrick Carlineo oo 55 sano jir ah ayaa qirtey in uu sameeyay hanjabaada uuna yahay qof wadani ah oo dadka argagaxisayaasha ah aad u neceb.

Xeer Ilaaliyaha Mareykanka James Kennedy, ayaa sheegay in xorriyadda hadalka ay sharci tahay haddana aysan ku jirin wax u dhimidda Xildhibaannada Mareykanka oo waliba dil loogu hanjabo.

Patrick Carlineo oo 55 jir ah ayaa Ilhaan Cumar dil ugu hanjabay Bishii March ee sanadkan isaga oo xilligaas ku eedeeyay in ay argagixiso tahay.

Carlineo ayaa qirtey in uu haystay hub iyadoo hore maxkamad ay ugaga mamnuucday inuu yeesho hub sanadkii 1998dii.

Qareenka u doodaya eedeysanahan oo lagu magacaabo Sonya Zoghlin ayaa sheegay in wakiilka qofka uu ka yahay uu muujiyay aragtidiisa iyo fikirka uu siinayo dastuurka Mareykanka.

Maxkamadda dhegeysatay kiiska ayaa sheegtay in Patrick Carlineo lagu helay Dambiga islamarkaana xukunkiisa kama dambeysta ah lagu dhowaaqayo 14ka February sanadka soo socda.

Carlineo ayaa mudan kara xabsi gaaraya toban sano waxaana la rajeynayaa in xukun adag ay makamadu ku rido Carlineo.