Guddoomiyihii Diinsoor Oo Aqbalay Inuu Xilka Wareejiyo

0

Wararka naga soo gaaraya gobolka Baay ayaa sheegaya in maanta xal kama dambeys ah laga gaaray xiisadii dhinaca maamulka ee ka taagneyd degmada Diinsoor ee gobolkaasi.

Guddoomiyihii hore ee degmadaasi  ayaa lagu soo warramayaa inuu aqbalay in la qabto xafladda xil wareejinta, kadib wadahadal uu la galay waxgaradka deegaanka.

Sidoo kale wararka ayaa intaasi ku daraya in guddoomiye, Ibraahim Maxamed Nuur (Shig-Shigow) uu isku dhiibay ciidamada Koonfur Galbeed ee ka howlgala halkaasi.

Shalay ayey aheyd markii ciidanka daraawiishta maamulkaasi, kuwa Itoobiya oo isku dhinac ah  iyo ciidamo daacad u ah Shig-Shigow ay ku dagaalameen degmada Diinsoor.