AKHRISO:- Shir loogu gogol xaarayo kulanka Arbacada ee Sh. Shariif, Xasan Sheekh iyo Farmaajo oo ka socda Muqdisho

0

Waxaa xilligan shir u socdaa xubno muhiim ah oo ka tirsan dowladda Federaalka iyo Madasha Xisbiyada Qaran, iyadoo shirkan uu yahay mid loogu gogol xaarayo shirka la filayo in maalinta Arbacada Muqdisho ku yeeshaan Madaxda Madasha Xisbiyada Qaran iyo Madaxweyne Farmaajo.

Ilo wareedyo muhiim ah ayaa ii xaqiijiyay in shirka caawa looga hadlayo diyaarinta ajandayaasha shirka Arbacada ay yeelanayaan Madaxweynayaashi hore ee Soomaaliya Xasan Sheekh, Sheekh Shariif iyo Madaxweyne Farmaajo.

Wararka ayaa sheegaya in kulanka uu si gaar ah ugu dhaxeeyo xubno kala matalaya Madasha oo uu hoggaaminayo Xildhibaan Axmed Fiqi oo ah Xoghayaha Guud ee Madasha Xisbiyada Qaran iyo Taliyaha NISA Fahad Yaasiin oo ahaa ninka markii hore bilaabay wada hadalada, loona arkayo inuu yahay maskaxda ka dambeysa wada hadaladan oo ah ergey buuxa oo ka socda Madaxweyne Farmaajo.

Labada dhinac ayaa u muuqda kuwo abuuraya jawi xasilloon oo sababi kara isu soo dhowaansho, is faham laga gaaro dhinaca doorashooyinka iyo dejinta xiisadaha siyaasadeed ee ka dhashay xayiraadii todobaadkii hore la saaray Madaxda Madasha.

Isu soo dhowaanshaha dowladda Federaalka iyo Mucaaradka ayaa ka dambeeyay kaddib markii Habeenkii jimcaha uu kulan dhex maray Taliyaha Sirdoonka Soomaaliya Fahad Yaasiin oo hoygiisa ugu tagay Madaxweynihii hore Sheekh Shariif, waxaana Fahad uu ergo ka ahaa Madaxweyne Farmaajo, isla markaana ka waday codsi ah inay kulmaan Madaxweyne Farmaajo iyo Madaxweynayaashii hore, si looga hadlo xaaladaha siyaasadeed ee dalka.