AKHRISO:- Madaxweynaha Maamulka Hiirshabeele oo Fariin diray

0

Madaxweynaha Maamulka Hirshabeelle Maxamed Cabdi Waare oo uu wehliyo Madaxweyne Ku Xigeenka DG HirShabeelle Cali Guudlaawe Xuseen ayaa xalay Munaasabad Casho Sharaf ugu sameeyay Xarunta Maamulka Gobolka Hiiraan Wafuud kala duwan oo ka kala socday Maamulka Puntland.Dowlad Deegaanka Somalida Itoobiya iyo Wafdi ka Socday Bulshada iyo Ganacsatada Magaalada Nairobi oo uu hormuud u ahaa Sheekh Maxamed Cabadi Umal.

Madaxweyne Maxamed Cabdi Waare ayaa u Mahad celiyay dhamaan dadka Soomaliyeed oo si aan kala har lahayn ugu soo gurmaday dadka reer Beledweyne oo ay saameeyeen fatahaadii wabiga Shabeelle.

“Waxaan u mahadcelinayaa wafdiga ka socda Puntland oo dadaal xoog leh muujiyay iyo weliba Sheekha Maxamed Uma loo safar dheer u soo galay sidii wax loogu qaban lahaa dadka ay fatahaaduhu saameeyeen iyo weliba dhakhaatiir ka timid Dowlad deegaanka Soomaalida Itoobiya.”ayuu yiri Madaxweyne Waare.

Madaxweyne Waare ayaa ugu baaqay xildhibaanada ka soo jeeda Hirshabelle inay u istaagaan sidii wax loogu qaban lahaa shacabka Hirshabelle ha noqdaan kuwa mucaaradka ah ama kuwa muxaafadka ah ayna u tanasulaan shacabkooda.

Kumanaan ruux oo ka barakacay magaalada Beledweyne ayaa bilaabay inay haatan dib ugu soo laabtaan guryahooda kadib markii ay yaraadeen biyihii fatahaadaha iyo roobabka isbiirsaday ka dhashay.