AKHRISO:- Ciidamada Dowladda oo Muqdisho ku toogtay Nin hubeysnaa

0

Ciidamo ka tirsan kuwa Booliska Soomaaliya ayaa xalay Xaafada Seybiyaano ee degmada Hodan Gobolkaan Banaadir waxaa ay ku toogteen nin la sheegay in uu hubeysnaa.

Toogashada ka hor ayaa goobjoogayaal waxaa ay sheegeen in uu dhaawacay askari Boolis ah,kadibna uu isku dayey in baxsado,hayeeshee ay Ciidamada toogteen.

”Qofka ay ciidamada dileen askari shaqo ku jira ayuu rasaas ku furay oo uu dhaawacay,kadib gaari Homey ah oo meesha yaallay ayuu rabey in uu wato si uu ugu baxsado,balse Ciidamo boolis ah oo goobta ka agdhawaa ayaa toogtay ayuu yiri”qof ku sugan Xaafada Seybiyaano.

Todobaadkii la soo dhaafay ayay aheyd markii Ciidamada Dowladda ay toogteen qof dil geystay qaarna ay qabteen,kuwaas oo hay’adaha Amniga Soomaaliya ay soo bandhigeen.