AKHRISO:- Al-Shabaab Oo La Wareegay Deegaan Duleedka Ka Ah Cadaado Kana Furtay Maxkamad

0

Wararka aan ka heleyno deegaan duleedka ah Magaalada Cadaado ee Xarunta Baarlamaanka Galmudug ayaa waxaa ay sheegayaan in halkaas ay la wareegeen dagaalamayaasha Al-shabaab.

Dagaalyahano ka tirsan Al-shabaab oo wata laba gaari nooca dagaalka iyo gaari Hoomey ah ayaa lagu soo marayaan in la wareegeen deegaanka lagu maagacaabo Qaayib oo dhanka Bari 90-KM uga beegan Magaalada Cadaado, isla markaana halkaas ay kula hadleen Shacabka ku dhaqan deegaanka.

Dadka deegaanka ayaa sheegay in Saraakiisha hoggaamineysay Al-shabaab ay u sheegeen in sababta ay deegaan u yimideen ay tahay sidii ay uga furan lahaayeen Maxkamad ay leeyihiin.

Wararka ayaa intaasi ku daraya in tegitaanka Al-shabaab ee deegaanka Qaayib siweyn looga dareemayo Magaalada Cadaado oo uu deegaankaas hoostago, waxaana dadka deegaanka ay sheegeen in arrintaan ay mid Cabsi ah.

Ilaa iyo hada ma jiro wax war ah oo kasoo baxay Saraakiisha Ciidanka Galmudug iyo kuwa xoogan dalka Soomaaliya ee ka howlgala deegaanadaas oo ay uga hadlayaan wararka la xiriira la wareegeeda Al-shabaab ee deegaanka Qaayib ee Gobolka Galgaduud, waan markii ugu horeysay oo ay Al-shabaab tegaan halkaas.