DAAWO:-Muuse Biixi Cabdi “Farmaajo Wuxuu kusoo Socdaa Somaliland, Waan Aragnaa”

0

Madaxwaynaha Somaliland Muuse Biixi Cabdi ayaa maanta ka hadlay Arimo kala duwan oo la Xidhiidha Xaalada Somaliland , Arimaha Geeska Afrika iyo Arimo la xidhiidha Dawladda Federaalka Soomaaliya.

Wuxuu sheegay in deegaanada Somaliland ay uga Duwan yiin Soomaalida Kale Hadalada inta badan aan Munaasibka ahayn ee ay Warbaahinta isku Mariyaan, Balse Wuxuu xusay inay yihiin dad midaysan, Diimuqraadi ah oo is jecel.

Dhinaca kale Wuxuu ka hadlay Saamaynta Geeska Afrika uu ku leeyahay guud ahaan Caalamka, Barwaada ku duugan ee Shidaalka iyo Khayraadka badda, taasi oo keentay Dawladdo xoogan loolan usoo galaan, Wuxuuna is waydiiyey doorka ay Somaliland arintaasi ka ciyaari karto.

Dhinaca kale  Wuxuu Dhaliilo usoo jeediyey Dawladda Federaalka Soomaaliya, Isagoo xusay inay kusoo Wajahan tahay Dhinaca Somaliland.