TOP NEWS:-Kenya Oo Ciidamo Soo Dhoobtay Xuduudka Soomaaliya

0

Dowladda Kenya ayaa ciidamo dheeraad ah waxay soo dhoobtay sohdinta 500-KM ah oo ay la wadaagto dalka Soomaaliya.

Warar ay heshay Warbaahintu ayaa sheegaya in ciidamada ay gaaf-wareegayaan tuulooyinka waaweyn ee ku dhow xadka.

Dadka degaanka ayaa sheegaya in askarta oo wata gaadiidka dagaal ay su’aallo waydiinayaan dadweynaha.

Ma cadda sababta ka dambeysa arrintaan. Balse waxaa lagu macneeyay in ay salka ku hayso cabsi laga qabo weeraro Al-Shabaab.