TOP NEWS:-Dagaal ka dhan ah Al-Shabaab oo looga dhawaaqay Galmudug

0

Taliyaha ciidamada xoogga dalka qeybta 21aad Cabdicasiis Cabdullahi Qooje ayaa sheegay in Al-Shaabab  dhowaan deegaannada ay ka joogaan Galmudug ay ka xoreynayaan sida uu u dhigay hadalka.

Taliye Qooje ayaa intaa ku daray hadalkiisa, in saraakiishii Al-Shabaab horay kaga saaray deegaannada qaar ee Galmudug hadda looga fadhiyo abaabulka dagaal ka dhan ah Al-Shabaab, kaasi oo looga qaadayo deegaannada iyo degmooyinka ku haray gacantooda ee Galmudug.

Dhalinyarada Soomaaliyeed ee ku nool Galmudug ayuu ka dalbaday in door muuqda ay ka qaataan xorreynta deegaannada ay Al-Shabaab ka joogaan Galmudug.

Hadalkaan ayuu ka sheegay taliyaha ciidamada xoogga dalka qeybta 21aad Cabdicasiis Cabdullahi Qooje kulan looga hadlayay sugidda ammaanka deegaannada Galmduug ,kaas oo ay ka soo qeybgaleen taliyeyaal, saraakiil ciidan,xubno ka tirsan dowladda iyo qeybaha kala duwan ee bulshada.