SAWIRRO:-Taliye ku xigeenka ciidamada Booliska oo gaaray magaalada Dhuusamareeb

0

Taliye Ku-xigeenka Booliiska Soomaaliya Sareeye Guuto Cismaan Maxamed Cabdullaahi ayaa maanta gaaray magaalada Dhuusamareeb ee xarunta dowlad goboleedka Galmudug.

Wafdiga uu horkacayay taliye ku xigeenka ciidamada Booliska oo ay ka mid ahaayeen saraakiil ka tirsan ciidamada Booliska ayaa waxaa soo dhowayn u sameeyey Saraakiisha Ciidammada Booliska ee ka howlgala Galmudug.

Taliye ku xigeenka ayaa magaalada Dhuusamareeb u tagay dib u habeynta Ciidanka booliska maamulka Galmudug.

Dowladda Soomaaliya ayaa bilihii ugu dambeeyay la wareegtay Ammaanka deegaanadii ay gacanta ku hayeen Ururka Ahlusunna sida Magaalooyinka Dhuusamareeb iyo Guriceel.