SAWIRRO:-Madaxweynaha Ethiopia oo warqadihii aqoonsiga ka guddoomay safiirka Soomaaliya

0

Madaxweynaha dalka Ethiopia Sahle-work Zewde ayaa si rasmi ah warqadaha aqoonsiga danjirenimo ka guddoomay safiirka cusub ee Soomaaliya ugaga wakiil noqonaya Cabdixakiim Cabdullahi Xaaji Cumar Camey.

Munaasabad kooban oo loo sameeyay danjiraha cusub ee dalka Ethiopia ayaa waxaa ka qeybgalay diblomaasiyiinta safaaradda Soomaaliya ee dalkaasi Itoobiya,iyo xubno ka tirsan madaxtooyada dalka Itoobiya.

Danjiraha cusub ee dowlada Soomaaliya wakiilka ugaga noqonaya dalka Ethiopia ee warqadaha aqoonsiga laga guddoomay ayaa waxa uu hore u soo noqday Madaxweyne ku xigeenka Dowlad goboleedka Puntland.

Danjire Camey ayaa waxa uu wakiil ka noqonayaa safiirka Ethiopia iyo waliba inuu wakiil uga ahaado dowlada Soomaaliya xarunta Midowga Afrika ee magaalada Addis Ababa.