SAWIRO:-Kulan looga hadlayay Amniga oo lagu qabtay Guriceel

0

Taliyaha Qaybta 21-aad ee Ciidamada xoogga dalka C/Casiis Cabdullaahi Cabdi “Qooje” oo ay wehliyaan Saraakiisha kale ee laamaha amniga ayaa Degmada Guriceel waxaa ay kaga kaga qeyb galeeen kulan looga hadlayay Amniga iyo wadashaqaynta Hayadaha Amniga ee ka howlgala degamada.

Kulanka ayaa waxaa sidoo kale ka qeyb-galay qeybahaa kala duwan ee Bulshada degmada Guriceel ee Gobolka Galgaduud, iyada oo sidoo kale lagu soo dhaweeynayay kulanka Taliyaha cusub NISA ee Degmada Guriceel Maxamed Gaanyaco oo Dhowaan halkaa loo Magacaabey.

Kulanka ayaa waxaa diirada lagu saaray Wada shaqeynta laamaha amniga ee dowladda iyo Bulshada Galmudug ,waxaana saraakiisha ka qeyb-gashay ay sheegeen in ahmiyada koowaad uu yahay Amniga inay ka wada Shaqeeyaan Hay’adaha u xil saaran iyo Bulshada.

Todobaadyo ka hor ayaa Dowladda Soomaaliya waxaa ay sirasmi ah ula wareegtay degmada Guriceel ee Gobolka Galgaduud halkaas oo dhowr sano ay maamulayeen Ururka Ahlusunna Wal-Jamaaca.