DHAGEYSO:-Taliyaha ciidanka Bosaso Qabsaday oo saxaafada lahadly

0

Xaaladda magaaladda Boosaaso ayaa maanta iyo Shalay degan, Waxaana Madaxda dhaqanku ay Howlan yihiin inay Xal gaadhaan Xiisada Cusub, kadib markii Ciidamo Beeleed ay Awood kusoo galeen gudaha magaalada.

Wararkii ugu dambeeyey ayaa sheegaya in maamulka Puntland Ciidamo badan ku daabulayaan gudaha magaalada Boosaaso waxaana jira taxadar badan oo dadweynuhu ka muujinayaan dagaal mar kale dhaca.

Go’aanka xukuumadda Saciid Deni ay ciidamo dheeri ah ugu soo daabuleyso magaalada ayaa dadka Qaar sheegeen inuu horseedi karo dagaal dib uga qarxa.

Taliyaha ciidanka maleeshiyaadka bosaaso ku sugan ayaa warbaahinta la hadlay wuxuu sheegay in ayna dagaal u imaanin magaalada xaalkuna dagan yahay