DHAGEYSO:-Mid kamid ah jabhadaha dagaalka kula jiro Soomaaliland oo go’aan culus qaadatay

0

Jabhad la magic baxday Cawaale oo dhawaan laga Aas’aasay qeybo kamid ah gobolka Awdal,isla markaana dagaal kula jirtay Soomaaliland ayaa ku dhawaaqday inay joojisay dagaalkii ay kula jirtay Soomaaliland.

Kulan ka dhacay duleedka Magaalada Booraama,isla markaana dhex-maray Aqoonyahano, Waxgarad, Wasiiro ka socday Soomalailand iyo Xubnaha ugu sareeya Jabhadda Cawaale oo dhowr jeer weeraro ka geystay deegaano katirsan Gobolka Awdal.

Mid kamid ah Xubnaha Sare ee Jabhadda Cawaale ayaa waxaa uu sheegay inay sirasmi ah u joojiyeen dagaalkii ay kula jireen Soomaaliland, iyaga oo markii hore diyaar u ahaa dagaalka balse tallooyin uga yimid Odayaasha Beelaha iyo waxgaradka ay qaateen.