DHAGEYSO:-Maamulka axmed madoobe oo shuruud ku xiray wadahadal ay la galaan dowladda Soomaaliya

0

Maamulka Jubaland ayaa shuruud ku xiray wadahadal ay la furaan dowladda Soomaaliya, si xal looga gaaro khilaafka taagan ee salka ku haya diidmada dowladda ee doorashadii August ka dhacday Kismaayo ee uu ku soo baxay Axmed Madoobe.

Madaxweyne Kuxigeenka maamulka Jubaland oo wariyayaasha kula hadlay madaxtooyada Jubaland ayaa sheegay in loo baahan yahay sii deynta Wasiirka Amniga Cabdirashiid Xasan Cabdinuur (Janan), kaasoo ku jira xabsi ay maamusho Sirdoonka Soomaaliya.

Maxamuud Seyd Aadan ayaa madaxda ugu sareysa dalka, gaar ahaan madaxweyne Farmaajo ku eedeeyay inuu Ciidamo Itoobiyaan ah ku uruurusanayo gobolka Gedo, si ay u bur buriyaan maamulka uu Hoggaankeeda hayo Axmed Madoobe.

Xukuumada Soomaaliya ayuu sheegay iney dhibaatooyin hor leh ku wado Jubaland, taasoo saameyn ku yeelan karta dadka Shacabka ah, iyadoo looga digay inuu Muqdisho ugu sii xirnaado Wasiir Janan oo ahaa shaqsiga Axmed Madoobe u xilsaartay dhaq dhaqaaqyada isaga ka dhanka ah ee Gedo.

Khilaafka labada dhinac ayaa cirka isu shareeray ka dib markii doorasho uu murun hareeyay mar labaad lagu soo doortay Madaxweynaha Maamulka Jubbaland, Axmed Maxamed Islaam (Axmed Madoobe) iyo Dowladda Federaalka oo xabsiga dhigtay Wasiirkii Amniga Jubbaland, Cabdirashiid Xasan Cabdinuur (Janan).