Dagaal culus oo ciidamada Puntland iyo Al-Shabaab ku dhex maray gobolka Bari

0

Wararka laga helayo deegaanka Af-urur ee Gobolka Bari ayaa sheegaya in halkaas uu ka dhacay dagaal u dhaxeeyay ciidamada Puntland iyo dagaalyano ka tirsan Al-shabaab.

Dagaal u dhaxeeyey Ciidamada Puntland iyo Al-Shabaabkii weeraray ayaa la sheegay in uu ka dhacay deegaanka Af-Urur,waxaana dagaalkaasi ka dhashay khasaaro isugu jira dhimasho iyo dhaawac.

Dagaalkaan ayaa ka dambeeyay kadib markii Al-shabaab weerar gaadma ah ku soo qaadeen saldhig ciidanka Puntland halkaas oo laga maqlay rasaas xoog leh oo dhinacyadu Isku adeegsadeen

Wararka ayaa waxaa ay sheegayaan in dagaalkaas dhex-maray Ciidamada Puntland iyo Al-Shabaab ay ku geeriyoodeen laba kamid ah Ciidamada Puntland Saddex kalena ay ku dhaawacmeen.

Saraakiil ka tirsan maamulka Puntland ayaa xaqiijiyay in dagaalku uu socday ku dhawaad saacad isla markaana ay dib u wiiqeen xoogaggii ka tirsanaa Shabaab ee dagaalka ku soo qaaday.