AKHRISO:- Jubbaland oo sheegtay in aysan la hadli doonin dowladda ilaa la sii daayo Wasiir Janan

0

Maamulka Jubbaland ayaa sheegay in wax wadahal aysan la yeelan doonin dowladda dhexe ee Soomaaliya ilaa dowladda Soomaaliya ay soo deyso Wasiirkii Amniga maamulka Jubbaland Cabdirashiid Janan oo Muqdisho ku xiran.

Madaxweyne ku xigeenka maamulka Jubbaland Maxamuud Sayid Aadan ayaa sheegay in Jubbaland ay go’aansatay in aysan la hadlin dowladda ilaa Wasiirka Xoriyadiisa dib loo siiyo , islamarkaana ay ka mid tahay Shuruudaha wadahadalka.

Waxaa uu sheegay in Wasiirka uu ku xiran yahay Caddaaladda daro, islamarkaana dowladda Soomaaliya ay Maxkamad soo taagtay.

Dhanka kale Maxamuud Sayad Aadan ayaa sheegay in Saraakiil ka tirsan Ciidanka Itoobiya iyo Nabad suggida Soomaaliya ay falal ka baxsan Sharciga ka waddaan gobolka Gedo, islamarkaana ay nasiib daro weyn tahay in maanta Madaxweyne Farmaajo Jubbaland u adeegsado Ciidamo Itoobiyaan.

Waxaa uu xusay in cabasho ay u gudbin doonaan dowladda Itoobiya iyo beesha Caalamka oo ku aadan Burburinta gobolka Gedo ay ka waddo Soomaaliya.