SAWIRRO:-Madaxweyne Farmaajo“Waan Ka Hortagaynaa Kuwa Diidan Qaranimada”

0

Madaxweynaha, Soomaaliya Maxamed Cabdullaahi Farmaajo oo isaga oo ku sugan magaalada Nayroobi kula kulmay ganacsatada Soomaaliyeed ee ku dhaqan dalkaasi, ayaa uga warbixiyey xaaladda guud ee siyaasadda dalka, fursaha jira, iyo caqabadaha haatan ku gadaaman dowlad-dhisidda iyo dadaallada uu hoggaaminayo ee ku saleysan taabbo gelinta hannaan dowladeed oo, ay ku faani karaan dadka Soomaaliyeed.

Farmaajo waxa uu  sheegay  inay jiraan sida uu hadalka udhigay  siyaasiyiin Careysan oo ka soo horjeeda Nidaamka dowladnimada ee somaliya, kuwaas oo qaarkood uu sheegay inay  horay u soo dha’dhamiyeen howlaha haatan ay hayaan madaxda talada heysa.

Madaxweyne farmaajo oo hadalkiisa siiwata ayaa soo hadal qaaday in dhibaatooyinka jira xiligaan ay qeyb ka yihiin madaxweynahayaasha dowladgoboleedyada qaar oo uu tilmaamay inay raadinayaan helida Awooda dowlada dhexe oo kale, kuwaas oo ku mashquulsan dhismaha Ciidamo iyo tastuur ugaar ah iyaga.

Ugu Dambeyn, Madaxweynaha Jamhuuriyadda Federaalka Soomaaliya Mudane Maxamed Cabdullaahi Farmaajo ayaa waxa uu ugu baaqay ganacsatada in ay kaalin mug leh ka qaataan gurmadka loo sameynayo dadka Soomaaliyeed ee ay saameeyeen fatahaadaha dalka ka jira.

Sidoo kale, Madaxweyne Farmaajo ayaa waxa uu ku boorriyay ganacsatada in ay ka qeyb qaataan dib u dhiska Safaaradda Nayroobi si ay u yeelato muuqaal ka tarjumaya hiigsiga qaran, hanka iyo kartida ay ku tilmaaman yihiin dadka Soomaaliyeed.

“Dhismaha Safaaraddan idiinka iska leh. Waxaa loo baahan yahay in aad dib u dayactirtaan oo kaalin weyn aad ka qaadataan, si dadka shisheeye aynu ugu muujinno wajiga dhabta ah ee Soomaaliya iyo hawlkarnimada dadkeenna.”

Munaasabadan oo lagu qabtay deegaanka Safiirka Jamhuuriyadda Federaalka Soomaaliya ee dalka Kenya waxaa ku wehliyay Wasiirka Caafimaadka Marwo Fowsiyo Abiikar Nuur, Wasiiru Dowlaha Arrimaha Dibadda Mudane Cabdulqaadir Axmed Khayr, Danjire Maxamuud Axmed Tarsan, Agaasimaha Madaxtooyada Dr. Nuur Diiriye Fuursade, La-taliyeyaal iyo diblomaasiyiinta ka tirsan Safaaradda Soomaaliya ee Nayroobi.