Maxkamadda Ciidamada Oo Xukun Ku Ridday Rag Lagu Eedeyay Dilal Ka Dhacay Muqdisho

0

Maxkamadda Ciidamada qalabka sida ee Somalia ayaa maanta Khamiis ah 14/11/2019 waxaa xukuno kala duwan ay ku ridday rag lagu eedeyay  in ay ka tirsanyihiin Al-shabaab isla markaana dilal qorshaysan xaafado ka mid ah magaalada Muqdisho.

1: Suceyb C/llaahi Maxamed oo ka dambeeyay dilal kala duwan oo ka dhacay magaalada Muqdisho ayaa lagu xukumay dil toogasha ah,Eedeysanaha 2-aad   Saadaq Cabdi Jabaar Cumar ayaa isna lagu xukumay dil toogasho ah.

3: Maxamed Cismaan Axmed oonahaawade  Mooto Bajaaj hubkana u qaadi jiray ragaan kale ayaa lagu xukumay Xabsi daa’in,4: Ismaaciil Maxamed Aweys ayaa dhankiisa lagu riday xukun xabsi daa’in ah.

Guddoomiyaha maxkamadda darajada 1-aad ee ciidamada qalabka sida Xasan Cali Nuur Shuute oo ku dhawaaqay xuknka madaxmadda ayaa sheegay ciddii aan ku qanacsanayn xukunka maxkamadda in uu u furanyahay racfaan.